• info@xisbiga-isbahaysiga-mustaqbalka.org
  • +252628977504
XEERKA

XEERKA

XISBIGA ISBAHAYSIGA MUSTQBALKA (XIM)

TUSMO

QODOBKA 1AAD – MAGACA XISBIGA IYO TILMAANTIISA

QODOBKA 2AAD – ASTAANTA IYO CALANKA XISBIGA

QODOBKA 3AAD – XARUNTA XISBIGA

QODOBKA 4AAD – UJEEDDOOYINKA XISBIGA

QODOBKA 5AAD – MABAADI’DA XISBIGA

QODOBKA 6AAD – QIYAMKA XISBIGA

QODOBKA 7AAD – HIMILADA & HIIGSIGA XISBIGA

QODOBKA 8AAD – XUBINNIMADA XISBIGA

QODOBKA 9AAD – WAAJIBAADKA XUBINTA

QODOBKA 10AAD – XUQUUQDA XUBNAHA XISBIGA

QODOBKA 11AAD – WAAYIDA XUBINIMADA XISBIGA

QODOBKA 12AAD – QAAB-DHISMEEDKA XISBIGA

QODOBKA 13AAD – SHIRWEYNAHA XISBIGA

QODOBKA 14AAD – DHISMAHA GOLAHA DHEXE IYO WAAJIBAADKA SHIRWEYNAHA

QODOBKA 15AAD – WAAJIBAADKA GOLAHA DHEXE

QODOBKA 16AAD – GOLAHA FULINTA

QODOBKA 17AAD – WAAJIBAADKA GUDDIGA FULINTA

QODOBKA 18AAD – GUDIGA JOOGTADA EE XISBIGA

QODOBKA 19AAD – BANNAANEYNTA JAGADA GUDDOONKA XISBIGA

QODOBKA 20AAD – GUDDOOMIYA XISBIGA

QODOBKA 21AAD – XILKA GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA

QODOBKA 22AAD – XILKA IYO WAAJIBAADKA XOG-HAYAHA GUUD EE XISBIGA

QODOBKA 23AAD – KULANKA XISBIGA & GO’AAN GAARISTA

QODOBKA 24AAD – LUUQADDA XISBIGA

QODOBKA 25AAD – LA TALIYE GUUD EE XISBIGA ARRIMAHA SHARCIGA

QODOBKA 26AAD – XASAANADDA IYO SAXIIXA IDMAN EE HOGGAANNADA XISBIGA

QODOBKA 27AAD – XAFIISKA MUTADAWICIINTA XISBIGA

QODOBKA 28AAD – CODKA SHIR GUDDOONKA

QODOBKA 29AAD – TARTANKA XUBNAHA XISBIGA

QODOBKA 30AAD – DHAQAALAHA XISBIGA

QODOBKA 31AAD – MAAMULKA MAALIYADDA

QODOBKA 32AAD – HANTI DHOWRAHA XISBIGA

QODOBKA 33AAD – GUDIGA XALINTA KHILAAFAADKA

QODOBKA 34AAD – WAAJIBAADKA GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA

QODOBKA 35AAD – HABRAACA XALINTA KHILAAFAADKA

QODOBKA 36AAD – QAABKA GO’AAN GAARISTA GUDDIGA XALINTA KHILAAFAADKA

QODOBKA 37AAD – GUDDIGA RACFAANKA

QODOBKA 38AAD –  HABKA SHAQADA, SHAQAALEYSIINTA IYO NIDAAMKA SHAQO BIXINTA EE XISBIGA

QODOBKA 39AAD – ILAALINTA IYO KU DHAQANKA DIMUQRAADIYADDA

QODOBKA 40AAD – DOKUMENTIYADA SIYAASADEED EE XISBIGA

QODOBKA 41AAD – WAX KA BEDELKA XEERKA, ASTAANTA IYO CALANKA XISBIGA

QODOBKA 42AAD – LA MIDOWID XISBI KALE  

QODOBKA 43AAD – KALA DIRISTA XISBIGA

QODOBKA 44AAD – SABABAHA KEENAYA IN LA KALA DIRO XISBIGA

QODOBKA 45AAD – DHAQAN-GAL

HORDHAC

Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (Alliance for the Future Party) waxaa lagu aasaasay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, 04/11/2019, si looga qayb qaato nidaamka xisbiyada badan ee dalka laga hirgelinayo, waxna uga beddelo nolosha ummadda soomaaliyeed, una soo celiyo rajada mustaqbalka, gaar ahaan dhallinyarada.

QODOBKA 1AAD

MAGACA XISBIGA

  1. Magaca Xisbigu waa Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (Alliance for the Future Party). Xarunta Xisbiga waa Muqdisho, wuxuuna xarumo ku yeelanayaa gobollada dalka iyo dibeddaba.

QODOBKA 2AAD

ASTAANTA IYO CALANKA XISBIGA

  1. Astaanta xisbiga waa labo gacmo midbakooda bluug ah, faraha cirka u jeedo, dushana ka saaran san xiddigo dahabi ah. Gacmaha bluugga hoostooda waxaa ku qoran magaca xisbiga, isagoo af-soomaali iyo af-ingiriis ah.
  2. Calanka xisbiga waa caddaan dhexda kaga taalo astaanta xisbiga.

QODOBKA 3AAD

XARUNTA XISBIGA

  1. Xarunta dhexe ee xisbigu waa caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdishu.

QODOBKA 4AAD

UJEEDDOOYINKA XISBIGA

Ujeeddooyinka Xisbiga sbahaysiga Mustqbalka waxaa sal u ah:

  1. Ka qayb-qaadashada hirgelinta nidaamka xisbiyada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.
  1. Dhismaha hayaddo dalka hoggaamiyo, hanta, xaalliyo amniga, dib u dhiso garsoorka, kobciyo dhaqaalaha, soo celiyo rajada dadwaynaha.

QODOBKA 5AAD

MABAADII’DA XISBIGA

  1. Mabaadii’da Xisbiga loo aasaasay waa Soomaaliya oo nabad ah, midaysan, sharciga lagu wada dhaqmayo, laga garanaynin qof jeclaysiga, hayb-sooca iyo xagjirnimada.

QODOBKA 6AAD

QIYAMKA XISBIGA

  1. Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka waa xisbi siyaasadeed, hadafkiisu ah in uu ka qaby qaato, una tartamo doorashooyinka Qaranka.
  2. Xisbiga wuxu aaminsan yahay mabaadii’da dimuqraadiyadda, cod bixin lagu kala adkaaado iyo in Soomaalidu dalku wada leeyhiin.

QODOBKA 7AAD

HIMILADDA & HIIGSIGA XISBIGA

  1. Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka wuxuu u taagan yahay:
    • Nabadda, midnimada dhuleed iyo tan dad ee Soomaaliya.
    • Madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.
    • Dhowrista xuquuqda aasaasiga ah ee xorriyadda muwaaddinka.
    • Hirgelinta sareynta sharciga.
    • Xaqiijinta nabadda iyo horumarinta caddaaladda bulshada.

QODOBKA 8AAD

XUBINNIMADA XISBIGA

  • Xubinnimada Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka waxa ay u furantahay qofkasta oo Soomali ah oo buuxiya shuruudaha xubinnimada xisbiga ee ku xusan mabaadii’da xisbiga.
  • Xubinnimada xisbiga Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka kuma xirna deegaan, hayb gaar ah, dariiqo diineed iyo jinsi toona.
  1. Waa in uu yahay Soomaali, da’diisuna ka yarayn 18 sano.
  2. Waa in uu aaminsan yahay mabaadii’da iyo ujeedooyinka xisbiga.
  3. Waa in uusan ahayn qof sumcad xun ku leh bulshada dhexdeeda.
  4. Waa in uusan dambi galin, horayna ugu dhicin Xukun Maxkamad.
  5. Waa in uusan weligii ka qeyb qaadan hurinta iyo dagaallada sokeeye.
  6. Waa in uusan Xubin ka ahayn xisbi kale ee dalka ka jiro iyo ururro leh aragti iyo ujeeddooyin ka soo horjeedo kuwa xisbiga.
  7. Waa in uu buuxiyo foomka xubinnimada.
  8. Waa in uu bixiyo lacagta diiwaangalinta, diyaarna u yahay bixinta qaaraanka (dhigaalka), bixiyaa qaaraan bileedka ama sannadlaha ee Xisbiga sida uu qeexayo xeerka.
  9. Xisbiga wuxuu yeelan karaa taageerayaal, waana in da’diisu aaney ka yarayn sideed iyo toban (18) sano.
  10. Waa In uu diidaa qabyaaladda, heybsooca iyo kala qaybinta bulshada, ilaaliyo sinnaanta Soomaalida.
  11. Waa in uu ilaaliyo kala-dambaynta, daacadnimada iyo u hogaansanaanta aqlabiyadda (wadar ogol).

QODOBKA 9AAD

WAAJIBAADKA XUBINTA

Waajibaadka xubnaha Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (XIM), xubin kasta oo ka mid ah xisbiga waxaa ku waajib ah:

  1. In uu u hoggaansamo mar walba amarrada ka soo baxa goleyaasha xisbiga.
  2. In uu diyaar u yahay hirgelinta mabaadii’da iyo ujeeddooyinka xisbiga. Xubintu waa inay kaalin firfircoon ka qaadataa, kagana jirtaa hawlaha goobta uu ka tirsanyahay iyo guud ahaan Xisbigaba.
  3. In uu xog-ogaal u yahay ujeeddooyinka, himilooyinka iyo barnaamijyada xisbiga una hawl galaa fulintooda.
  4. In uu xog-ogaal u ahaadaa xeerarka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka.
  5. Inuu dhowro, ilaaliyo, difaaco qiyamka, mabaadii’da iyo siyaasadda xisbiga.

 QODOBKA 10AAD

XUQUUQDA XUBNAHA XISBIGA

Xuquuqda xubnaha Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka, xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xisbiga waxay xaq u leedahay:

  1. In ay ka qeyb-qaadato dhammaan howlaha xisbiga.
  2. In uu wax dooran karo, lana dooran karo xisbiga dhexdiisa iyo dibadiisaba, si waafaqsan xeerarka xisbiga.
  3. In uu ka dhiibto ra’yigiisa si xor, ah xisbiga dhexdiisa, iskuna difaaco xisbiga dhexdiisa wixii eedeymo ah ee loo soo jeediyo.
  4. In uu helo xogta hawlaha siyaasadda guud iyo waxqabadka xisbiga.
  5. In uu soo gudbin karo talooyin ku socda laanta, degmada, Dawlad-Goboleedka, Golaha Dhexe iyo shirwaynaha xisbiga intaba.
  6. In aan laga saari karin xisbiga, iyada oo aan la marin habraaca hay’adaha xisbiga ee ku shaqada leh.

QODOBKA 11AAD

WAAYIDDA XUBINNIMADA XISBIGA

Mudanaha ka mid ah xisbiga wuxuu xubinimadiisa ku waayi karaa sidan:

  1. Is casilaad qoraal ama afka ah
  2. Geeri
  3. Ka hor tagidda mabaadii’da Xisbiga
  4. Iskiis ugu baxo xisbiga
  5. Ku biiro xisbi kale

QODOBKA 12AAD

QAAB-DHISMEEDKA XISBIGA

  1. Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka waxa uu yeelanayaa qaab dhismeed u saamaxaya in xisbiga uu gaaro ujeeddooyinka loo aasaasay ama loo unkay.

Qaab dhismeedka xisbiga waa sidatan:-

  1.  
  2. Golaha Dhexe ee Xisbiga.
  3. Guddiga Fulinta ee Xisbiga.
  4. Goleyaasha heer maamul-goboleed, heer degmo iyo heer tuulo.
  5. Garabyada Xisbiga ee kala duwan sida garabka haweenka, garabka dhalinyarada, garabka xirfadleyaasha.

 QODOBKA 13AAD

SHIRWEYNAHA XISBIGA

  1. Shirweynaha xisbiga ee heer Qaran waa hay’adda ugu sareeyso dhismaha xisbiga ee leh awoodda ugu danbeyso ee go’aan gaarista Xisbiga.
  2. Shirweynaha xisbiga wuxuu qabsoomayaa saddaxdii (3) sano hal mar.
  3. Ka qeybgalayaasha Shirweynaha xisbiga waxay ka kala imaanayaan dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta ee xisbiga.
  4. Wakiillo ka socda garabyada haweenka iyo dhalinyarada.
  5. Xubno ka tirsan taageerayaasha xisbiga oo golayaashu si gaar ah u soo xulaan, wakiillo ka tirsan xirfadleyda Soomaaliyeed, sida dhaqaatiirta, garyaqaanada, fannaaniinta, saxafiyiinta, engineerada, culimaa’uddiinka, ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo ardayda.
  6. Tirada iyo qaabka soo xulidda xubnaha Shirweynaha waxaa qeexaya xeer hoosaad gaar ah oo ay isla eegaan Golaha Dhexe, Ansixiyaana kadib shirwaynahooda ugu horeeya.

QODOBKA 14AAD

DHISMAHA GOLAHA DHEXE IYO WAAJIBAADKA SHIRWEYNAHA

  1. Xubnaha Golaha dhexe waxay ka imaanayaan Shirweynaha Guud, fadhiga loo dhan yahay ee Xisbiga, waxaana dooranaya Shirweynaha Xisbiga.
  2. Muddada Xil-heynta Xubnaha Golaha dhexe waa saddax sano (3).
  3. Awoodaha iyo waajibaadka Shirweynaha Qaran ee xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka waa heykalka ugu sareeya ee xisbiga, waxaana uu yeelanayaa awoodaha iyo waajibaadka soo socda:
  4. Shirweynaha saddaxdii sano mar ayuu xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay u soo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.
  5. Ansixinta Xubnaha loo soo xulay inay ka mid noqdaan Golaha Dhexe ee Xisbiga.
  6. Doorashada Guddoomiyaha xisbiga, Ku-Xigeennadiisa iyo Xoghayaha Guud oo xilka hayn doona muddo saddax (3) sano ah.
  7. Ansixinta xeerka soo xulidda xubnaha xisbiga uga qeybgalaya doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka.
  8. Ansaxinta musharaxa madaxweyne ee xisbiga uga qaybgalaya tartanka doorashada Madaxwaynaha Jamhuuriydda Soomaaliya.
  9. Ansixinta kala dirista xisbiga.

 QODOBKA 15AAD

WAAJIBAADKA GOLAHA DHEXE

GolahaDhexe waa udub-dhexaadka Xisbiga, waajibaadka iyo hawlaha Golaha Dhexe waa sidan:

  1. Doorashada Gudoomiyaha Golaha Dhexe iyo labadiisa ku xigeen.
  2. Ansixinta Guddi hoosaadyada xeerkan ku xusan iyo Diyaarinta xeer hoosaad u gaar ah Golaha.
  3. Xulista gudi-hoosaadyo u qaabilsan howlaha u yaala Golaha Dhexe.
  4. Ansaxinta qorshayaasha, xeerarka iyo wax ka beddelka marka ay soo diyaariyaan Guddiga Fulinta.
  5. Ansixinta iyo wax ka beddelka Xeerarka uu soo bandhigo Golaha Fulinta.
  6. Ansixinta heshiisyada uu la soo galo Golaha Fulinta Xisbi kale.
  7. Dhiirigelinta hal-abuurka ku dhisan, afkaaraha wax dhisidda, aragtiyada siyaasadeed iyo ujeeddooyinka xisbiga.
  8. Jiheynta waxqabadyada guud ee xisbiga iyagoo matalaya Shirweynaha.
  9. Ansaxinta go’aano siyaasadeed iyo go’aano maamul ee ay soo jeediyaan guddiga fulinta ee lagama maarmaanka ah ee aan gaari karin waqtiga loo qabtay Shirweynaha.
  10. Keenista go’aano siyaasadeed iyo kuwo maamul oo lagu ansixinayo Shirweynaha.
  11. Waxay ansixinayaan xubnaha Guddiga Fulinta ee uu soo jeediyo Guddoomiyaha Xisbiga.
  12. Ansixinta qorsha sanadeedka, Miisaaniyadda iyo xisaab xir sanadeedka.
  13. Wax ka beddelidda iyo wax ku daridda Xeerka xisbiga, markii ay u soo codeeyaan saddex meelood laba (2/3) xubnaha Golaha Dhexe si loo horgeeyo Shirweynaha Xisbiga.
  14. Qiimeynta iyo dhageysiga warbixinada ay soo gudbiyaan gudiga fulintu waxayna qiimaynayaan waxqabadka gudiga iyo horumarka hawlaha xisbiga.

QODOBKA 16AAD

GOLAHA FULINTA

  1. Guddiga fulinta waa laanta ugu sareeysa ee socodsiinta hawlaha xisbiga.
  2. Guddiga wuxuu ka kooban yahay: Guddoomiyaha Xisbiga ahna Gudoomiyaha Guddiga Fulinta, Ku-Xigeen (1), Xoghayaha Guud iyo saddax (3) Xoghayeyaal Fulin oo laga soo dhax xulay xubnaha xisbiga, kuwaas oo ah
  3. Xoghayaha Xiriirka Caalamka.
  4. Xoghayaha Horumarinta Qoyska.
  5. Xoghayaha Arimaha Bulshada.

 

  1. Muddada xil-haynta Guddiga Fulintu waa saddax (3) sano.
  2. Guddoomiyaha xisbiga ahna Guddoomiyaha Golaha Fulinta waxaa dooranaya Shirweynaha Guud ee Xisbiga.
  3. Ansixinta Guddiga Fulinta waxay noqonayna 50+1, aqlabiyad hal-dheeri ah ee tirada guud ee xubnaha Golaha Dhexe.

 QODOBKA 17AAD

WAAJIBAADKA GUDDIGA FULINTA

Guddiga Fulinta heer Qaran wuxuu wabanayaa shaqooyinka soo socda:

  1. Fulinta dhammaan go’aammada ay gaaraan Golaha Dhexe iyo Shirweynaha, si waafaqsan xeerarka iyo barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiga.
  2. Kormeeridda howlaha maamulka iyo maaliyada xisbiga ee heer kasta, iyagoo qaadaya talaabooyinka ay u arkaan lagama maarmaan in ay u yihiin fulinta go’aamada iyo barnaamijyada lagu gaaray Shirweynaha Xisbiga.
  3. Isku xirka iyo kormeeridda howlaha waaxyaha, laamaha iyo taageerayaasha xisbiga.
  4. Ballaarinta xisbiga iyo gaarsiinta dhamaan deegaanada dalka iyo jaaliyadaha dibadda.
  5. Curinta xeerka nidaaminta shaqaalaha xisbiga iyo dhaqan-gelintiisa.
  6. Magacaabista guddiyo gaar ah iyo xaddididda waajibaadkooda shaqo markii loo baahdo.
  7. Go’aan ka-gaarista warbixinnada guddiyada gaarka ah iyo tixgelinta talooyinka ka imaanaya xubnaha Xisbiga.
  8. Dejinta miisaaniyad sanadeedka iyo diyaarinta xisaab-xir sannadeedka Xisbiga oo soo martay hanti-dhowre madaxbannaan.
  9. Qorshaynta iyo hubinta qabashada doorashooyin xor ah, caddaalad ah oo daahfurandhamaan xisbiga heerarkiisa kala duwan.
  10. Dajinta, iskuhabeynta iyo qabashada barnaamijyada dhiirigalinaya waxqabadyada xisbiga.
  11. Diyaarinta ajandaha iyo warbixinnada Xisbiga ee loo gudbinayo Shirweynaha Guud.
  12. Soo jeedinta wax ka bedelka xeerka xisbiga iyo kala dirista xisbiga.
  13. Magacaabista Guddiga Doorashooyinka iyo la-taliyayaasha gaarka ah si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka xisbiga.
  14. Sameynta habraacyo lagu dhaqan-geliyo qodobbada Dastuurka iyo go’aannada Golaha Dhexe.
  15. Xaqiijinta ku dhaqanka Dastuurka, ilaalinta anshaxa, nidaamka iyo kala danbaynta.

 QODOBKA 18AAD

GUDIGA JOOGTADA EE XISBIGA

  1. Xisbiga wuxuu yeelanayaa Guddi Joogto ah ee ka kooban Guddoonka Gudiga Fulinta, Gudoonka Golaha Dhexe, saddax (3) xubnood Golaha Dhexe ah iyo labo (2) xubnood ee Guddiga Fulinta tiro guudna waa 11-Xubnood.
  2. Waxaa shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Gudiga Fulinta, ku-xigeenkiisana waa Guddoomiyaha Golaha Dhexe, waxayna iska dhex-dooranayaan Xoghayaha Guud ee Guddiga.
  3. Waajibadka Guddiga Joogtada waa:
  4. Buuxinta boosaska ka bannaan Golaha Dhexe ee Guddiga Fulinta.
  5. Buuxinta haddii Guddoonka Golaha Dhexe iyo Guddoonka Guddiga Fulinta ay xilkooda ku waayaan sida uu qabo Sharciga.
  6. Guddiga wuxuu cod ku ansaxayaa 2/3, koorumkana waxuu ku ansaxayaa aqlabiyad 50+.

QODOBKA 19AAD

BANNAANEYNTA JAGADA GUDDOONKA XISBIGA

Guddoomiyaha Xisbiga ahna Gudoomiyaha Guddiga Fulinta, Ku-Xigeenadiisa

XogHayaha Guud, Gudoomiyaha Golaha Dhexe iyo labadiisa Ku-Xigeenno waxey xilkooda ku weyn karaan oo ay jagada ku bannayn karaan sababaha soo socdo:

  1. Geeri ama caafimaad xumo u diideysa inuu hawshiisa sidii la rabay u

guto oo ay caddeeyaan dhaqaatiir la aqoonsan yahay.

  1. Is-casilaad qoraal ah oo ay aqbalaan Golaha Dhexe ee xisbiga.
  2. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaareyso muddo bil iyo bar ah (60 maalmood).
  3. Xilgudasho la’aan joogto ah oo ay u codeeyaan saddex meelood labo (2/3) Golaha Dhexe ee xisbiga.
  4. Khiyaano qaran iyo khilaafid Xeerka xisbiga, taasoo ay u codeeyaan saddex meelood meel (2/3) oo Golaha Dhexe.

QODOBKA 20AAD

GUDDOOMIYAHA XISBIGA

  1. Guddoomiyaha Xisbiga ahna Guddoomiya Guddiga Fulinta waxaa soo dooranayo shirweynaha xisbiga.
  2. Guddoomiyaha Xisbiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Fulinta wuxuu mas’uul ka yahay hawl-maalmeedka xisbiga.

 QODOBKA 21AAD

XILKA GUDOOMIYE KU XIGEENNADA

  1. Xisbiga wuxuu yeelan doonaa labo (2) Guddoomiye Ku-Xigeen oo xilalkooda kala yihiin sida soo socota:
  2. Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Istaratejiyadda.
  3. Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Dawlad-Goboleedyada.
  4. Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Itaratejiyada waa Ku-Simaha Guddoomiyaha Xisbiga marka maqan yahay.
  5. Haddii Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Itaratejiyada uu maqnaado waxaa xilka Guddoomiyaha qaban doona hadba Guddoomiye ku-Xigeenka Arrimaha Dawlad-Goboleedyada.
  6. Marka laga reebo howlaha ay gaarka u leeyihiin, Guddoomiye Ku-Xigeennadu waxa ay qabanayaan howlaha uu u igmado Guddoomiyaha xisbiga si waafaqsan xeerka xisbiga.

QODOBKA 22AAD

XILKA IYO WAAJIBAADKA XOG-HAYAHA GUUD EE XISBIGA

  1. Xoghayaha Guud ee xisbiga waxaa dooranaya shirweynaha xisbiga.
  2. Xoghayaha Guud wuxuu hoos-tagayaa Guddoomiyaha xisbiga.
  3. Xoghayaha Guud waxa uu masuul ka yahay socodsiinta maamulka xisbiga guud ahaan.
  4. Waxa uu diyaarinayaa qoraallada, warbixinnada iyo ajandayaasha fadhiyada Golaha Fulinta.
  5. Xoghayaha Guud waxa uu mas’uul ka yahay dabagalka fulinta go’aanada la ansixiyay iyo hirgelinta barnaamijyada siyaasadeed, isaga oo la kaashanayahadba Xoghayaha ka mas’uulka ah hawshaasi.
  6. Xoghayaha Guud waxa uu maamulayaa shaqaalaha xisbiga.
  7. Xoghayaha Guud wuxuu kaydinayaa dukumentiyada xisbiga, waxaana uu diiwaan-gelinayaa oo uu ilaalinayaa hantida xisbiga.
  8. Xoghayaha Guud waxa uu isku xiraa xoghayayaasha ee u taagan howlaha Guddiga Fulinta, waxa uuna u dhaba gala habsami u socodka hawlaha ay masuul ka yihiin.
  9. Haddii xubin ka mid ah Gudiga Fulintu gasho fasax ama howsheeda gudan waydo, waxaa hawsheeda si ku meel gaar ah u qabanayaa Xoghayaha Guud xisbiga, Xoghayaha Guud waxa uu qabanayaa hawshii kale ee uu u xilsaaro Gudoomiyuhu.

 QODOBKA 23AAD

KULANKA XISBIGA & GO’AAN GAARISTA

Kulanka iyo go’aan-gaarista Xisbiga waxey ku qabsoomayaan sidan:

  1. Kulanka Xisbiga wuxuu ansaxayaa ka soo qaybgalka aqlabiyad haldheeri ah (50%+1) tirada guud ee kala bar tirada Golahaayasha.
  2. Shirarka Xisbiga waxaa go’aanada lagu gaari karaa cod hal dheeri ah 50% +1 tirada Kulanka ee xaadirka ah, marka laga reebo go’aannada u baahan tira ka badan intaas taasoo uu dalabka kulankaasi iclaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga.

QODOBKA 24AAD

LUUQADA XISBIGA

  1. Luuqadda Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka uu adeegsanayo ama u isticmaalayo kulamadiisa iyo dhammaan hawlaha maamulkiisuba waa luuqada rasmiga ah ee dalka si waafaqsan qodobka 5aad ee dastuurka KMG ah.
  2. Xisbiga waxaa u bannaan in uu adeegsado luuqado shisheeye haddii ay timaaddo baahi muhiim ah oo ku saleysan socodsiinta hawl-maalmeedka Xisbiga.

QODOBKA 25AAD

LA-TALIYAHA GUUD XISBIGA EE ARRIMAHA SHARCIGA

  1. Xisbiga waxa uu yeelanayaa La-Taliye Guud ee Arrimaha Sharciga. La-Taliyaha Xisbiga dhinaca Sharciga wuxuu awood u leeyahay:
  2. In uu talo soo jeedin ka sameeyo amuuraha markaa uu arko muhiim si iskiisuna uu soo gudbiyo Xisbiga.
  3. In uu talooyin qaanuuni ah ugu bixiyo talooyinka uu hogaanka Xisbiga qaadanayo, uu na ku gaaro wadar oggol.

QODOBKA 26AAD

XASAANADDA IYO SAXIIXA IDMAN EE HOGGAANNADA XISBIGA

Guddoomiyaha xisbiga, Ku-Xigeennadiisa iyo Xogahayaha Guud, waxey yeelanayaan xasaanad iyo saxiix idman oo la xiriira hawlahooda xisbiga dhexdiisa.

 QODOBKA 27AAD

XAFIISKA MUTADAWICIINTA XISBIGA

  1. Waxaa jiri doona nidaam iyo qorshe ballaaran oo xisbigu uga faa’idaysanayo awoodda, aqoonta iyo waaya-aragnimada xubnaha guud ee xisbiga.
  2. Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka wuxuu yeelanayaa xafiis qaabilsan mutadawiciinta diyaarka u ah hawsha xisbiga waxa ay doontaba ha noqotee, kaasoo hoos imaanaya xafiiska Xoghayaha Guud.
  3. Mutadawiciinta (is-xilqaamayaasha, qaadumiinta idman ee Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (XIM) waxaa xisbigu u tababari doonaa hawlaha gaarka ah ee loo dirayo.
  4. Mutadawiciinta waqtiga ugu badan ee xisbigu u baahnaanayo waa xilliyada doorashooyinka iyo ololaha ay socdaan, taasoo keenaysa in Xafiiska qaabilsan oo sii diiwaangaliyo mutadawiciinta kala duwan, cinwaankooda, goobaha iyo gobollada ay ku kala sugan yihiin.
  5. Xafiiska maamulayo mutadawiciinta wuxuu yeelanaya agaasime iyo agaasime waaxeedyo oo hoos imaan doona xafiiska shaqaalaha.
  6. Mutadawiciinta xisbigu waxay mas’uul ka noqonayaan fulinta hawlaha loo tababaray ee xisbigu u xilsaartay oo kaliya, ayadoo uu hagayo Xoghayaha Guud ee xisbiga.
  7. Xafiiska mutawiciintu wuxuu saddexdii biloodba mar warbixin dhammaystiran u soo gudbinayaa Xoghayaha Guud oo isaguna warbixin arrintaas la xiriirta u gudbin doono Guddoomiyaha xisbiga.
  8. Mutawiciinta hawlo gaar ah loo xilsaaray marka hawshoodu dhamaato, waxaa loo qaban-qaabinayaa munaasabado lagu dhiirri-galinayo, isla markaana lagu guddoonsiinayo abaal-marinno qaali ah iyo shahaadooyin sharafeedyo kor loogu qaadayo hawlkarnimadooda.

QODOBKA 28AAD

CODKA SHIR-GUDDOONKA

Gudoomiyaha xisbiga waa mudanaha ugu sareeyo xisbiga, marka codadku barbardhac noqdaan shir guddoomiyahu wuxuu leeyahay cod dheeri ah.

QODOBKA 29AAD

TARTANKA XUBNAHA XISBIGA

Xisbiga gudahiisa waxaa ka reeban in xubin xisbiga ka tirsan uu qabto xil aan loo idman ama aan loo dooran.

QODOBKA 30AAD

DHAQAALAHA XISBIGA

Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka waxaa dhaqaale u ah si waafaqsan Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Lr. 19/2015:

  1. Qaaraanka ay bixiyaan xubnaha joogtada ah.
  2. Kharashka ka soo gala diiwaangelinta xubinnimada xisbiga.
  3. Taageerada dhaqaale ay bixiyaan taageerayaasha xisbiga.
  4. Taageerada dhaqaale Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si siman u siiso xisbiyada siyaasadda waafaqsan xeerka xisbiyada siyaasadda.
  5. Wax soo saar kasta oo xisbigu la yimaado si waafaqsan xeerka xisbiyada siyaasadda.
  6. Dhaqaalaha iyo hantida xisbigu helo ee lagu helay si xeerka xisbiga iyo xeerarka dalka waafaqsan waxay noqonaysaa hantida rasmiga ah ee xisbiga, mana noqon karto hanti gaar ahaaneed.

QODOBKA 31AAD

MAAMULKA MAALIYADDA

  1. Xisbigu wuxuu yeelanayaa hannaan Maaliyadeed oo ku dhisan hufnaan

iyo isla-xisaabtan wuxuuna diyaarinayaa:

  1. Habraaca dakhli xareynta iyo kharash-bixinta.
  2. Xisaab-xir sannadeed.
  3. Tirakoob hantida guurtada ah iyo tan ma guurtada ah.
  4. Soo-jeedinta iyo la socodka maalgashiga xisbiga.
  5. Hannaanka maamulka maaliyadda xisbigu wuxuu noqonayaa mid waafaqsan hanaanka maamulka maaliyadda dalka.
  6. Hantida Guud ee xisbiga waxaa ka mas’uul ah: Guddoomiyaha Xisbiga, ahna Guddoomiyaha GuddigaFulinta, Xogahayaha Guud iyo Xoghayaha Maaliyadda u qaabilsan xisbiga.

QODOBKA 32AAD

HANTI DHOWRAHA XISBIGA

  1. Xisbigu wuxuu yeelanayaa hanti-dhowr u madax-bannaan shaqadiisa.
  2. Golaha Fulinta ayaa magacaabaya xisaabiye.
  3. Dhammaan xisaabaadka socda, xisaabaadka kaydsan, diiwaanada iyo dokumintiyada waxa ay u furan yihiin xiliyada baaritaanka Hanti-Dhowraha.
  4. Hanti-Dhowruhu wuxuu soo saarayaa, uuna gudbinayaa warbixin xisaabeedka uu xisaabiyay Golaha Fulinta.
  5. Mushaaraadka iyo gunnooyinka xafiiska hanti dhowrka waxaa ansixiniya Golaha Fulinta.
  6. Xisaabiyayaashu waxaan loo ogoleyn inay u shaqeeyaan xafiisyo kale oo ka baxsan Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (XIM).

QODOBKA 33AAD

GUDDIGA XALINTA KHILAAFAADKA

Xisbiga Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (XIM) waxa uu yeelanayaa Guddi Xalin Khilaafaad ee ka kooban 7 Xubnood oo uu soo xulaayo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta, isagoo la

tashanaayo xubnaha gudiga, waxaana lagu ansixinayaa Golaha Dhexe ee xisbiga.

Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka waxay iska dhax-dooranayaan:

  1.  
  2. Gudoomiye Ku-Xigeen.
  3. Xoghaye Guud.
  4. Muddo xileedka Gudiga Xalinta Khilaafaadka waa saddax (3) sano oo aan soo noqosho lahayn.

QODOBKA 34AAD

WAAJIBAADKA GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA

  1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu dhiira-galinayaa wada jirka iyo midnimada xubnaha xisbiga dhexdiisa.
  2. Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu go’aan ka gaarayaa:
    1. Khilaafaadka u dhaxeeya xubnaha xisbiga.
    2. Khilaafadka u dhaxeeyo xubnaha iyo xisbigooda.
    3. Murunka ka dhasha magacaabidda murashaxiinta dorashada ka hor.
    4. Muranka ka dhasha doorashada ama magaacabista hawlwadeenada xafiisyadda xisbiga.
    5. Muranka ka dhasha qeybsiga xilalka la’isu magacaabo doorashada kaddib.
    6. Muranka ka dhasha maamulidda maaliyadda iyo hantida kale ee xisbiga.
    7. Muran ka dhasha maamulidda arrimaha xisbiga.

 QODOBKA 35AAD

HABRAACA XALINTA KHILAAFAADKA GUDDIGA

  1. Khilaafadka ka dhasha magacabista musharixiinta doorashooyinka waa in la soo gudbiyaa afar iyo labatan (24) saac kaddib markii la shaaciyay murashaxiinta.
  2. Wixii kale ee khiilaaf ah oo aan ka aheen magacaabista musharixiinta doorashooyinka waa in la diiwaangaliyaa soddon (30) maalmood gudahood.
  3. Waxaa khasab ah in cabashadu:
  4. Ay ahaato mid qoraal ah ama oraah marqaati fur ah oo uu diiwaangeliyaa Xoghayuhu.
  5. Waa in aay cad yihiin sababaha khilaafku oo ay u qoran yihiin si faahfahsan oo la fahmi karo.
  6. In aay cadeysaa khilaafka, qodobada dastuurka, shuruucda, xeer hoosaadyada iyo hab dhaqanka la khilaafay.
  7. Marka cabashadu la xiriirto musharixiinta doorashoyinka, la eedeyaha waa in lagu gaarsiiyaa cabashadaas afar iyo labatan (24) sacadood gudahood, cabasho kasta ee taa ka duwan la eedayaha waxaa lagu gaarsiinayaa soddon (30) maalmood gudahood.
  8. Waa inuu saxiixo dacwad qabuhu.
  9. Guddiga xallinta khilaafaadka guduhu waxay u yerayaan dhinacyada khilaafku dhaxyaallo waqti munaasab ah oo aan ka badnayn afar iyo toban (14) maalmood gudahood, waxayna ogeysineyaan in aay xaq u leeyihiin inay qabsan karaan qareen u dooda ama xubno xisbiga ka tirsan oo matali kara una doodi kara. Sidoo kale waxay keeni karaan markhaatiyaal.
  10. Haddii loo baahdo Guddiga Xallinta Khilaafaadka guduhu wuxuu keeneyaa turjubaanno, xeel-dheerayaal taqasus u leh afka calaamadaha dadka aan wax maqlin iyo kuwa uu hadalka ku adag yahay.
  11. Shaqsiyaadkaan soo socdo waa in aay jogaan goobta dacwad qadista:
  12. Xubnaha guddiga dacwada qaadaya
  13. Dacwad qabaha.
  • Eedeysanaha;
  1. Turjubaanno, xeel-dheerayaal taqasus u leh afka calaamadaha dadka aan wax maqlin iyo kuwa uu ku adag yahay haddii loo baahdo.
  2.  
  3. Gudoomiyaha guddiga xallinta khilaadaaka waa in uu hubiyaa:
  4. In qaabka dacwad qaadistu noqoto mid cadaalad ku salaysan.
  5. In uu go’aan ka gaaro arrin kasta oo dacwada lagu soo qaaday.
  • In uu hubiyo in eedeysanaha la gaarsiiyay dacwada laga keenay.
  1. In dacwad qabahu uu faahfaahiyo eedeymaha uu soo jeedinayo, uuna

keeno cadeymo iyo markhaatiyaal.

  1. Eedeysanaha wuxuu keenayaa qareen u dooda, kaas oo su’aalo weydiin kara markhaatiyaasha goobta la keenay wuxuuna soo bandhigi kara xog uu ku burinayo dacwadda.
  2. In uu hubiyo in xoghayuhu wada qoray, diiwangeliyay, keydiyayna dhammaan xogtii dacwaddaas la dhagaystay.
  3. Markii uu dhamaado dhageysiga xallinta khilaafadka, Guddomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxu hubinayaa:
  4. In Xubnaha guddigu ay dhageystaan, ayna tixgaliyaan arrimaha lagu soo qaaday dacwadda, markaasna go’aan xaqiiqada ku dhisan ka gaaraya ama tala bixin ka soo jeedinaya.
  5. In eedeysanaha la ogeysinayo xukunka iyo amaradda guddiga oo sababaysan, sidoo kale waxaa la ogeysinayaa in uu xaq u leyahay inuu ka qaadan karo racfaan.
  • In Xukunka iyo amarrada loo aqrinayay dhinacyada.

 QODOBKA 36AAD

QAABKA GO’AAN GAARISTA GUDIGA XALINTA KHILAAFAADKA

  1. Kulanka guddigu wuxuu ku guntamayaa aqlabiyad hal dheeri ah xubnaha guddiga.
  2. Go’aannada waxaa lagu garayaa is af-garad (consensus). Hadday suurta geliwaydo is-afgarashadu, waxaa lagu kala baxayaa cod aqlabiyad hal dheeri ah. Hadday dhacdo in codku sinmo, Gudoomiyaha ayaa codeynaya.

QODOBKA 37AAD

GUDDIGA RACFAANKA

Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (XIM) waxa uu yeelanayaa Guddi Racfaan oo Ka kooban 7 Xubnood oo uu soo Xulaayo Gudoomiyaha Gudiga fulinta isagoo la tashanaayo xubnaha guddiga, waxaana lagu ansixinayaa Golaha Dhexe ee xisbiga.

Xubnaha Guddiga racfaanka waxay iska dhex dooranayaan:

  1. Guddoomiye
  2. Guddoomiye Ku-Xigeen
  3. Xoghaye Guud

Muddo xileedka Guddiga Racfaanka waa saddax (3) sano oo aan soo noqosho lahayn.

  1. Racfaan waxaa keeni karaa:
  1. Eedeysane go’aan ka gaaray ama xukumay Guddiga Xallinta Khilaafaadka.
  2. Dacwad qabe, cabasho u geeyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka.
  1. Dhageysiga racfaanka waxaa qaadayo Guddiga Racfaanka.
  2. Guddiga Rracfaanku waa mesha ugu danbeyso oo loo qaadan karo racfaan xisbiga guduhiisa.
  3. Racfaanka waa in:
  1. Lagu qaataa afar iyo toban maalmood (14) gudahood, kana bilaabmayo.
  2. Markii la wargeliyay go’aanka xukunka.
  3. Waa in uu noqdaa orah ama qoraal uu diyaariyay Xoghayuhu.
  4. Waa in la caddeeyo sababo faahfaahsan oo run ku salaysan.
  5. In loo gudbo Racfaanlaha afar iyo toban maalmood (14) gudahood ka hor dhageysiga racfaanka ama waqti intaa ka yar haddii ay arrintu deg deg tahay.
  1. Markii laga reebo xaalado gaar ah oo uu go’aamiyay Guddoomiyaha Guddiga Racfaanka ee dhageysanayo racfaanka, xog cusub lama soo bandhigi karo, lamana tixgelin karo marka dib loo dhageysanayo racfaankaas.
  2. Eedeymo cusub lama keeni karo waqtiga racfaanka.
  3. Guddoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Rafcaanka waa in aay tixgaliyaan arrimaha lagu soo qaaday dhageysiga racfaanka, waana in ay go’aan ka garaan ayagoo ku salaynaya xogaha iyo caddeymaha loo soo gudbiyay dhageysiga racfaanka, kaas oo noqon karo mid waafaqsan ama ka duwan go’aankii hore.
  4. Qofka racfaanka soo qaatay in loo sheego xukunka guddiga racfaanka, in guddiga racfaanka ku raacay iyo inuu xukunkii hore ama ciqaabihii hore wax ka badalay.
  5. Dacwad qabaha iyo eedeysanuhu waxay xaq u leeyihin in aay racfaan ka qataan go’aanka Guddiga Racfaanka, una gudbiyaan Maxkamadda awoodda u leh.

QODOBKA 38AAD

HABKA SHAQADA, SHAQAALEYSIINTA IYO NIDAAMKA SHAQO BIXINTA EE XISBIGA

  1. Xisbiga waxa uu yeelanayaa xafiis u qaabilsan habka shaqada, shaqaaleysiinta iyo nidaamka shaqo-bixinta.
  2. Shaqaalaha xisbiga waxa ay hoos imaanayaan Xoghayaha Guud ee xisbiga, Xafiiska Shaqo-Bixinta waxaana maamulayo hawl-wadeenno sare oo uu magacaabay Xoghayaha Guud.
  3. Hawl-wadeenadan waxay mas’uul ka yihiin fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada xisbiga, waxaana hagaya Xoghayaha Guud ee xisbiga.
  4. Xafiiska shaqaalaha wuxuu si toos ah ula shaqeynayaa Xoghayaha Guud isagoo lix biloodba mar warbixin u gudbinaya Golaha Fulinta.
  5. Fursadaha shaqaalaysiinta ee xisbiga xafiisyadiisa ka soo baxa xubnaha xisbigu waa u siman yihiin u tartankooda. Habka loo marayo shaqaalaynta hawl-wadeennada xafiisyada xisbigu waxey noqonaysaa sida tan:
  6. Waxaa lagu soo daabacayaa shaqada bannaan, shuruudaha aqooneed iyo waaya-aragnimo ee loo baahan yahay lagu soo daabacayaa wargaysyada xisbiga, bogagga internetka xisbiga, ogaysiisyo lagu dhajinayo xarumaha xisbiga.
  7. Xubnaha danaynaya u tartanka shaqada bannaan, waa in ay muddada loo cayimay ku soo gudbistaan araajidooda ka qeybgalka tartankaas ayagooku soo lifaaqaya wixii dokuminti ah ee laga dalbaday si dhammaystiran.
  8. Kala saarista xubnaha soo gudbistay araajida shaqooyinka bannaan waxeymaraysaa Nidaam ku dhisan xulis caddaalad ah, ciddii shuruudaha soo buuxisay iyo kuwaaan soo buuxin.
  9. Guddi uu hogaaminayo Xogahayaha Guud ee Xisbiga iyo Xoghayahaa Shaqada xisbiga ee hawlwadeenadaasi ay la shaqayn doonaan ayaa bilaabaya waraysi la yeelashada xubnaha u tartamaya shaqooyinka bannaan.
  10. Haddii loo baahdo xubnaha waraysi la yeelashada ku guulaysta, waxaa loo gudbinayaa imtixaan qoraal ah ama af ah.
  11. Guddiga ayaa go’aan ka gaaraya cidda ku guulaysatay tartankaas, ayagoo go’aannadooda ku gaaraya aqlabiyad, cidda ku guulaysatatartanka waxaa lagu daabacayaa dhammaan meelihii lagu daabacay ogaysiisyadii shaqada banaan.

QODOBKA 39AAD

ILAALINTA IYO KU DHAQANKA DIMUQRAADIYADDA

Xisbiga wuxuu ilaalin doonaa, kuna dhaqmi doonaa mabaadii’da dimuqraadiyadda, wuxuuna mudnaanta siinayaa horumarinta haweenka, gaar ahaan kuwa carmalada iyo garoobyada ah.

 QODOBKA 40AAD

DOKUMENTIYADA SIYAASADEED EE XISBIGA

  1. Dokumentiyada siyaasadeed ee xisbiga waxaa loola jeedaa:
    1. Xeerka Xisbiga.
    2. Barnaamijka Xisbiga.
    3. Xeerarka kala duwan ee xisbiga, heshiisyada Xisbiga, barnaamijyada doorashooyinka xisbiga, qorshayaasha iyo istiraatiijadda xisbiga.
    4. Dokumentiyada siyaasadeed ee xisbigu soo saaro waxey lahaanayaan tixraac iyo taariikh.
    5. Dokumenti kasta oo siyaasadeed oo kaydka arkiifiyada xisbiga galaya waa in uu lahaado saxiixa Gudoomiyaha Xisbiga iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga.
    6. Ururinta, ilaalinta & diyaarinta documentiyada siyaasadeed ee xisbigu soo saaro waxaa u xilsaaran Xoghayaha Guud ee xisbiga.

QODOBKA 41AAD

WAX KA BEDELKA XEERKA ASTAANTA IYO CALANKA XISBIGA

Haddii ay timaado daruuf ama soo jeedin ka timaaddo xubnaha xisbiga, waxaa wax ka-beddel lagu sameyn karaa magaca xisbiga, xeerka, astaanta iyo calanka, waxaana loo marayaa labo waddo oo kala ah:

  1. In Xisbiga Astaantiisa, Calankiisa Hogaanadiisa dib loo eego oo isbeddel lagu sameeyo xisbiga guud ahaantiisa.
  2. In Xisbiga Xeerkiisa dib loo eego wax ka beddel lagu sameeyo.
  3. In Xisbiga magac kale qaato, magacaasina u maro nidaamka digo-rogashada.
  4. Wax ka beddelka Xisbiga waxaa go’aan ka gaarayo Shirweyaha Xisbiga oo isku raaco go’aan kama dambays ah saddex meelood laba (2/3).

QODOBKA 42AAD

LA MIDOWID XISBI KALE

Xisbiga haddii ay timaado daruuf ama soo jeedino badan ay ka timaado

xubnaha xisbiga waxa uu la midoowi karaa xisbi kale, isagoo egaya danaha

xisbiga iyo jirintaankiisa, waxaana loo wajahayaa la midowiddaasi sidan:

  1. In ay timaado sababo maan gal ah keeni karta baahi loo qabo in lala Midowo xisbi kale.
  2. In Xisbiga uu u arko danahiisa iyo jirintaankiisa la midowidda xisbi kale. Waxaa go’aan ka gaaraya la midowidda Shirweyaha Xisbiga isku raaco go’aan kama dambays ah saddex meelood laba (2/3).

QODOBKA 43AAD

KALA DIRISTA XISBIGA

  1. Jiritaanka Xisbiga: xisbigu wuxuu jirayaa inta uu ka shaqaynayo mabaadii’da iyo ujeeddooyinkii loo aasaasay.
  2. Jiritaanka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga waxaa go’aan looga gaari karaa sidan:
    1. Golaha Fulinta ayaa ansixinaya soo jeedin hordhac ah iyadoo loo diyaarinayo shirweyne gaar ah oo heer qaran. Xoghayaha Guud wuxuu ku soo saarayaa ugu yaraan labo (2) warbaahin oo ka howlgala Gudaha Soomaaliya.
    2. Xisbiga waxaa jiritaankiisa siyasadeed go’aan looga gaari karaa shirweyne isku raaca go’aanka kama dambaysta ah saddex meelood laba (2/3).
    3. Ogeysiinta lagu soo saarayo warbaahinta waa in loo diraa qoraal ahaan dhammaan laamaha xisbiga, heer kasto.
    4. Haddii Shirweynaha gaarka ah lagu ansixiyo in xisbiga jiritaankiisa siyaasadeed la kala diro, Golaha Fulinta ayaa go’aaminaya waqtiga iyo qaabka ay ku sii joogayaan hoggaanka sare ee muhiimka u ah meel ku ogaanshaha hantida xisbiga iyadoo muddadaas aanay ka badnayn sagaashan (90) maalmood.
    5. Hantida xisbiga marka la kala diro ka dib, waxey noqonaysaa hanti qaran.

QODOBKA 44AAD

SABABAHA KEENAYA IN LA KALA DIRO XISBIGA

  1. Kala diritaanka xisbiga waxaa keeni karo sabahan oo kala ah:
  2. Inuu gudan waayo Xisbiga waajibaadiisii loo unkay.
  3. In daruufo culus soo food saaraan oo uu ku shaqeyn waayo.
  4. In Xisbiga waayo dhaqaalahii uu ku shaqayn lahaa.

QODOBKA 45AAD

DHAQAN-GAL

Xeerka Xisbiga wuxuu dhaqan galayaa marka Shirweynaha Guud ee Xisbiga Ansixiyo.

 

Dhammaad