Eng
Nagu Biir
Home
Nagu Saabsan
Xeerka
Xubinnimada
Wararka
Nala Xiriir
info@xisbiga-isbahaysiga-mustaqbalka.org
+252628977504
Eng
Nagu Biir
Home
Nagu Saabsan
Xeerka
Xubinnimada
Wararka
Nala Xiriir
Nagu Saabsan
Home
.
Nagu Saabsan
Waxaan Sameyneynaa Taariikh Wadajir
Shahaadada Diiwaangelinta Ku-Meelgaarka ah ee Guddiga Madax-Bannaan Doorashooyinka Qaranka (GMDQ)
Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka wuxuu hiigsanayaa in Soomaaliya noqoto:
Dal ku dhisan cadaalad.
Dal nabad ah oo barwaaqaysan.
Dal leh Dastuur dhamaystiran ee ku yimid afti dadwayne.
Dal dhowro xuquuqda qofka.
Dal Islaamka sal u ah.
Dal ummadda Soomaaliyeed wada leedahay.
Dal dhowro Heshiisyada iyo Caalaamiga ah iyo Sharciga Dawliga.
Dal daris-wanaaggiisu fiican yahay.
Mabaadii'da Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (XIM) waa:
Helidda bulsho Soomaaliyeed ku dhisan rabitaanka iyo matalaadda xorta ah ee dadkeeda.
Dhismaha hayaddo dawladeed horumarsan, casri ah oo ku tiirsan cadaaladda.
Hirgelinta nidaam dawladeed loo siman yahay, la wada leeyahay, dhax-dhaxaad ah, nadiif ka ah nooc walbo ee xag-midnimo.
Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka wuxuu u taagan yahay:
Midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Hirgelinta siyaasad gunyar-socod ah ee ku salaysan dimuqraadiyad iyo doorasho xisbiyo badan oo keena xasillooni joogto ah.
Helidda amni lagu seexan karo.
Kocbinta iyo horumarinta dhaqaalalaha dalka.
Dhawrista Dastuurka iyo sarraynta Sharciga si loo helo caddaalad iyo sinnaan.
Horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka,warbarashada, biyaha iyo korontada.
Shaqaalaynta iyo dhirri-gelinta dhallanyarada.
Xoojinta hiddaha iyo dhaqanka suuban ee ummadda.
Gaarista isku-filnaasho dhaqaale, aqoon iyo amni.
Ku Soo Biir Dagaalka Loogu Jiro Isbedelka
Naga Caawi Inaan
Keeno Isbedelka Aan
U Baahanahay
Is-Xilqaan
Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka (XIM)
Golaha Dhexe
Aasaasayaasha XIM
Abshir Aadan Ferro
Guddoomiyaha
Shariif Cali Cabbaas
Guddoomiye Ku-Xigeenka
Ismaacil Xuseen Qaasim
Xoghayaha Guud
Saciido Xaaji Ciise Bootaan
Xoghayaha Horumarinta Qoyska
Cabdi Xaaji Ciise Bootaan
Xoghayaha Xiriirka Dibedda, XIM.
Fatima Cali Cabbaas Zeeno
Xoghayaha Xiriirka Bulshada